Bergen: Sadex(3) qof oo lagu eedeeyay khiyaano NAV oo xabsiga loo taxaabay.

0
137

Booliska magaalada Bergen ayaa arbacadii lasoo dhaafay xabsiga u taxaabay sadex qof oo lagu eedeeyay khiyaano dhaqaale oo ay ku sameeyeen hey´adda NAV. Sadexdan qof ayaa ka kooban qof dumar ah iyo labo nin, waxeyna boolisku ugu soo galeen guryahooda iyaga ka sameeyay baaritaan iyo xog uruurin.

Sadexdan qof ayaa ku eedeysan inay sameeyeen khiyaano xoog leh oo lagu sameeyay hey´adda NAV, iyaga oo dalbaday lacag aysan xaq u laheyn oo ku saabsan taageerada loo qoondeeyay dadka ay saameysay xanibaada Coronavirus. Sidoo kale waxey ku eedeysanyihiin inay qeyb ku lahaayeen khiyaano lagu sameeyay NAV.

Booliska ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in sadexdan ay ku eedeysanyihiin inay lacag gaareyso 500.000 kr, ay si khiyaano ah uga codsadeen NAV, iyaga oo NAV u gudbiyay macluumaad aan sax aheyn, si ay u helaan lacagtaas oo aysan xaq u laheyn.

Lacagaha ay dadkan ku eedeysanyihiin inay khiyaamada ku heleen ayaa waxaa kamid ah lacagta Dagpenger-ta, Tan loogu talagalay dadka xanuunsan ama waalidka ilmaha guryaha ku hayo, iyo lacagta mushaar-kabka ah oo ay dowladu ugu talagashay dadka uu mushaarkoodu hoos u dhacay, xanibaada Corona Awgii.

Hey´adda NAV ayaa dacwad ka dhan sadexdan qof u gudbiysay booliska, waxeyna iyaga oo warbixintaas ku howlgalaya xabsiga dhigeen sadexdan qof, inkasta oo markii danbe la siiyay, kadib markii la wareystay.

TRE PERSONER SIKTET FOR GROVT BEDRAGERI AV NAV – FIKK 500.000 KRONER I CORONA-STØTTE.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments