fredag, april 19, 2024

Dowlada oo isbadal ku sameysay xeerka «faraha» laga qaado dadka ajaaniibta ah ee Norway soo gala

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda cadaaladda Norway, dowlada ayaa isbadal ku sameysay qodobo kamid ah sharciga soo galootiga, si loo badalo xeerarka ku saabsan faraha(fingeravtrykk) laga qaado dadka ajaaniibta ah ee Norway soo gala ama ka codsada visaha( Dal ku galka).

Isbadalkan ayaa dowlada u fududeynaya in faro laga qaado inta badan dadka Viso(Dal ku gal) kusoo gala Norway ama ka codsada magangalyada(Qoxootinimo iska dhiibo). Sidoo kale waxaa la dheereeyay mudada la keydinayo ama systemka hey´addaha dowlada ay ku jirayaan faraha laga qaaday qofka Norway sharciga ka codsaday ama Visaha kusoo galay.

Dowlada ayaa rabta in faraha dadkaas laga qaado la keydiyo mudo u dhaxeyso 5 ilaa 20 sano, halka dadka qaarkiis waligood farahooda ay ku jiri doonaan systemka dowlada, gaar ahaan dadka diidmada ka helay sharciyada qoxootiga, laguna amray inay dalka isaga baxaan.

Xeerkan ay dowladu soo rogtay ayaa sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda, si gaar ah u qaban doono dadka ajnabiga ah ee Norway ka codsada magangalyada, balse aan wadan waraaqo aqoonsi oo kalsooni adag lagu qabo aan kala imaan dalkoodii hooyo. Iyo dadka diidmada ka helay codsiyada magangalyada, laguna wargaliyay inay Norway isaga baxaan.

Wasiiradda cadaalada, Monica Mælend ayaa sheegtay in xeerkan uu dowlada ka saacidi doono in laga hortago in qofku uu dhowr aqoonsi oo kala duwan isaga dhiibo Norway, ama looga hortago qofka ka been-sheegayo aqoonsigiisa saxda ahaa, si uu sharci magangalyo Norway uga helo.

Dowlada ayaa sidoo kale dheereysay mudada la keydinayo faraha laga qaaday qofka Norway magangalyada ka codsaday ama ka helay visaha dal ku galka. Tusaale ahaan dowlada ayaa rabta in qofka ajnabiga ah ee Norway visaha ka helo safaaradaha dibadda looga qaado faro, kadibna systemka dowlada lagu keydinayo ilaa shan(5) sano oo ka danbeyso xiliga farahaas la qaaday. Hoos ka akhri sharciga oo dhameystiran(Af Norwiiji).

Xigasho/kilde: Mer bruk av fingeravtrykk i utlendingssaker.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x