Booliska oo wareysi ugu yeeray reysulwasaaraha Norway iyo ninkeeda.

0
116
Sawirka reysulwasaaraha Norway iyo ninkeeda oo fasax kujiro. Foto: Instgram-Erna Solberg

Booliska Norway ayaa maanta wareysi ugu yeeray reysulwasaaraha Norway Erna Solberg, iyaga oo baaritaan ku sameyn doono in reysulwasaaruhu ay jabisay xeerka xakameynta faafitaanka feyruska Corona iyo inkale. Waxeyna boolisku sidoo kale wareysi la yeelan doonaan ninka qaba reysulwasaaraha Norway, Sindre Finnes.

TV-ga qaranka Norway ee NRK ayaa isbuucii hore fashiliyay in reysulwasaare Erna Solberg iyo qubno kamid ah qoyskeeda ay jabiyeen xeerka Corona, xili reysulwasaaruhu ay u dabaal dageysay sanad guurada dhalashadeeda lixdanka(60) sano. Halkan kasii akhri

Per Morten oo ah madaxa kooxda booliska ah ee kiiskan baaraya ayaa sheegay inay wareysan doonaan dhowr qof oo ay ka mid tahay reysulwasaare Erna Solberg, si ay u xaqiijiyaan eedeynta ka dhanka ah reysulwasaaraha ee ku saabsan inay jabisay xeerarka Corona iyo inkale. Isaga oo sheegay in shaqada boolisku ay tahay in marka hore ay ogaadaan wixii dhacay, kadib ay sameeyaan warbixinta ay u gudbin doonaan xafiiska xeer ilaalinta oo go´aan ka gaari doono in reysulwasaaraha dacwad lagu oogo iyo inkale.

Sida uu qoray wargeyska VG, Dhowr qof oo kala duwan ayaa booliska u gudbiyay dacwad ka dhan reysulwasaaraha, iyaga oo ku eedeynaya inay baal-martay xeerarka Corona ee dowladeedu ay soo rogtay.

Reysulwasaaraha ayaa horey u sheegtay inay diyaar u tahay inay bixiso ganaax, hadii lagu soo eedeeyo inay jabisay xeerka Corona.

Xigasho/kilde: Politiet vil avhøre Erna Solberg og Sindre Finnes etter Geilo-turen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments