Waxaan rabnaa in sharciga la badalo, si caruurta qoxootiga aan loogu ciqaabin danbiga waalidka.

0
117
Foto: Eirin Larsen, SMK. Sadexda gudoomiye ee sadexda xisbi ee dowlada.

Xisbiyada sadexda ah ee dowlada, gaar ahaan labada xisbi ee KrF iyo Venstre ayaa sheegay inay rabaan in isbadal lagu sameeyo sharuucda soo galootiga dalkan Norway, si ilmaha la keeno ama Norway ku dhasha aan loogu ciqaabin danbiyada ay waalidka geleen, hadii ay soo baxdo in waalidku uu been sheegay


Arrintan ayaa kusoo aadeyso xili ay soo bateen kiisaska caruur Norway ay waalidkood keeneen ama gudaha dalka ku dhashay, kuwaas oo laga tarxiilayo Norway, iyada oo loo ciqaabayo danbi ay waalidkood sameeyeen, markii ay Norway magangalyada weydiisanayeen. Waxaana ugu danbeeyay kiiskii caanbaxay ee Mustafa Hassan, oo ah 18 sano jir reer Urdun oo Norway la keenay isaga oo 6 sano jir ah, balse ay dowladu ku amartay inuu dalka isaga, maadaama lasoo ogaaday in hooyadii ay been sheegtay marrkii ay Norway iska dhiibeysay.

Hooyada Mustafa oo asal ahaan reer Urdun ah, ayaa sheegtay inay tahay Falastiiniyad, waxey sidaas sharci kaga heshay Norway. Gadaal danbe ayaa laga soo ogaaday inay been u sheegtay hey´addaha qoxootiga, waxaana laga tarxiilay Norway. Mustafa iyo walaalkiis kale oo hooyadood ka haray, ayaa 13 sano oo uu Norway kunool, waxna ku bartay kadib lagu amray inuu hooyadii ka daba tago. Halkan kasii akhri kiiskiisa.

Waa in ganaax nooc kale la keenaa:

Xisbiyada dowlada ee sadexda ah ayaa raba in hada la fiiriyo in shuruucda ajaaniibta isbadal lagu sameeyo, si waalidka ajaaniibta ah ee beenta sheegay loogu ciqaabo ganaaxyo nooc kale ah, hadii ay muuqato in tarxiilkooda uu saameyn xoogan ku yeelan doono caruurtooda oo wadanka ku dhashay ama la keenay iyaga oo yar-yar.

Dowlada ayaa tusaale ahaan rabta in waalidkaas lagu soo rogo ciqaab ah inay sadex sano oo dheeri ah sugaan sharciga degenaanshaha rasmiga ah. Lana ogolaado in marka ay hey´addaha qoxootiga ka shaqeynayaan kiisaskan ay tixgalin iyo mudnaan gooni ah siiyaan kiisaska ay caruurta qeyb kamid ah nolosha qofka ay yihiin.

Dowlada ayaa sheegtay in:

La sameyn doono gudi shaqo oo baaritaan ku sameeyo kiisaska tarxiilka ah ee caruurta saameyn ku yeeshay. Waxeyna soo bandhigi doonaa inay jiri karaan isbadalo sharcigaas lagu sameeyo.

Iyo in hey´addaha qoxootig ay soo qiimeyaan in caruurtu ay aragtidooda ka dhiibtaan, marka laga shaqeynayo kiisaska saameynta ku yeelan karo.

Si ay arrintan uga meelmarto baarlamaanka Norway, xisbiyada sadexda ah ee dowlada ayaa taageero uga baahnaan mid kamid ah labada xisbi ee Ap(shaqaalaha ama Sp).

Xigasho/kilde: Vil endre loven for å sikre at asylbarn ikke «straffes for foreldres feil.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments