Ugbaad: Fanaanad dhalinyaro soomaali ah oo 3 abaal-marin oo waaweyn ku guuleysan karta.

0
129
Ugbaad Mustafa(Musti). Foto:Musikkforleggerprisen

Ugbaad Mustafe oo caan ku ah magac faneedka MUSTI ayaa sanadkan ku guuleysan karta sadex kamid ah biladaha waaweyn ee abaalmarin-sanadeedka fanaaniinta Norway ( Spellemannprisen)


Ugbaad oo 19 sano jir ah ayaa kamid ah fanaaniinta hibo-faneedka weyn leh ee sanadihii ugu danbeeyay kasoo muuqday masraxyada fanka ee Norway. Waxeyna inta badan heesahoodu oo iyadu ay alifato, ay ka hadlaan qaab koritaankeedii xaafada Tøyen ee magaalada Oslo, oo kamid ah xaafada isku raranka ah ee magaalada Oslo. Heesahaas oo dad badan soo jiitay ayaa noqday qaab ay dadka aan Tøyen/Oslo ku korin ay ku fahmaan nolosha adag ee ay ku koraan dhalinyarada xaafadaas ama magaalada kunool.

Fanaanadan dhalinyarada soomaalida ah ayaa horey sanadkan ugu guuleysatay bilada fanaanka cusub ee sanadka ee Kanaalka P3 ee NRK. Waxeyna hada u sharaxantahay sadex kamid ah biladaha abaal-marin sanadeedka fanaaniinta Norway.

Sida shaley ay iclaamiyeen gudiga abaalmarinta, Ugbaad ayaa u sharaxan, kuna guuleysan karto sadexda abaalmarin ee kala ah:

Mu´alifka sanadka(Tekstforfatter), Fanaanka sanadka ee heesaha hip-hopka iyo fanaanka wacdaraha ugu weyn sameeyay sanadkii tagay( Årets gjennombrudd).

Xigasho/kilde: Tøyen-rapperen Musti kan vinne hele tre Spellemann-prise.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments