Siv Jensen oo Sylvi listhaug usoo xulatay gudoomiyaha badali doono.

0
117
Sylvi Listhaug. Foto: Statsministerens kontor.

Gudoomiyaha xisbiga Frp Siv Jensen ayaa maanta sheegtay inay iska casishay xilkii gudoomiyaha xisbigaas oo ay heysay 15-kii sano ee ugu danbeeyay, iyada oo sheegtay in wixii hada ka biloowdo ay rabto inay waqti dheeri ah siiso qoyskeeda iyo arrimaha kale ee nolosheeda muhiimka u ah. Halkan kasii akhri

Gudoomiyaha xisbiga ka dagay ee Siv Jensen, ayaa wasiiradii hore ee soo galootiga Norway Sylvi Listhaug, usoo xulutay inay noqoto gudoomiyaha badali doono iyada, marka uu mudo xilkeedkeedu dhamaado. Listhaug ayaa hada ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Frp.

Siv ayaa sheegyay in sababta ay usoo xulutay Listhaug, ay tahay haweenay aan la gaban fikirkeeda siyaasadeed, aana ka cabsan inay dhahdo hadalka kiisa adag ee runta ah.

Jensen ayaa sidoo kale wasiirkii hore ee gaadiidka, Ketil Solvik-Olsen u xulatay inuu noqdo gudoomiyaha ku xigeenka xisbiga Frp.

Xisbiga Frp ayaa bartamaha sanadkan yeelan doono shir qarameedkii weynaa, waxeyna halkaas ku dooran doonaan gudoomiyaha csub ee badali doono Siv Jensen.

Xigasho/kilde: Listhaug utpekt som Frp-arvtaker.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments