Norway: Waxaan ka wel-welsanahay xaalada Muqdisho.

0
147
Wasiirka arrimaha Dibadda Norway: Ine Eriksen iyo Mahdi Guuleed.

Sida lagu xusay qoraal lagu soo daabacay barta twitterka ee safaarada Norway ee Soomaaliya, Norway ayaa ka wel-welsan xaalada magaalada Muqdisho oo ay shaley ka dhaceen rabshado is rasaaseyn wata. Norway ayaa labada dhinac ee khilaafka uu u dhaxeeyo ugu baaqday inay isugu imaadaan miiska wadahadalka, ayna ka dheeraadaan gacan ka hadal dhibaato keeni kara.

Hadalka dowlada Norway ayaa kusoo aaday xili shaley banaanbax uu horkacayeen murashixiin uu kamid yahay reysulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre la huwiyay rasaas ay soo ridayeen ciidamada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya. Kheyre ayaa weerarkaas kadib hadal uu jeediyay ku sheegay inuu ka badbaaday isku dey dil oo lagu damacsanaa in lagu khaarijiyo isaga iyo murashixiin kaleba.

Qoraalka kasoo baxay dowlada Norway, ayaa dhinaca kale lagu cadeeyay in dowlada Norway ay qadirineyso xaq lahaanshaha dadka ee inay si nabad ah u banaanbixi karaan, fikirkoodana u cabiri karaan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments