Norway: Dowlada oo rabta in la xalaaleeyo daroogada aan badneyn.

0
100
Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie. Foto: Eirin Larsen, SMK

Dowlada dalkan Norway, ayaa shaley soo bandhigtay qorshe iyo qaabab cusub oo ay dowladu rabto in lagula dhaqmo dadka adeegsada ama lagu qabto daroogada, waxeyna dowladu sheegtay inay rabto inaan la ciqaabin dadka lagu qabto daroogada yar. Taas badalkeedana ay helaan talooyin iyo caawimo caafimaad.


Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie ayaa sheegay in dadka daroogada adeegsada loola dhaqmi jiray qaab aan fiicneyn, lagu sameyn jiray bahdil, ciqaab iyo takooris. Taasna ay adkeysay inay adkaato in dadkaas ay soo dalbadaan caawin caafimaad, xitaa hadii ay rabaan inay daroogada iska dhaafaan. Iyaga oo ka cabsi qabo in la ciqaabo ama sumcad daro ay soo gaarto.

Dhageyso talada caafimaad ee baaritaanka Coro a

Wasiirka ayaa sheegay in dowladu ay wixii hada ka bilowdo rabto, in ciqaabta laga dhaafo dadka adeegsada daroogada, taas badalkeedana loo fududeeyo sidii ay caawitaan usoo dalbadan lahaayeen, maadaama qaarkood ay qabitanka adeegsiga daroogadu u keentay caafimaad xumo baahsan.

2-10 Gram wixii ka yar: Ciqaab la´aan:

Dowlada ayaa soo jeedisay in qofkii lagu qabto isaga oo adeegsanayo ama heysta daroogo ka yar 2 garaam oo ah herowiinta(Heroin), Kokaayiinka(Kokain) laga qaado daroogada ay wataan, aana la ciqaabin. Taas badalkeeda waajib looga dhigo inay iska xaadiraan xarunta caafimaadka degmada, si loo siiyo talooyin caafimaad.

Daroogada loo yaqaan Cannabis oo ay soomaalidu taqaan xashiishka(Sidoo kalena loo taqaan Cagaarta) oo maandooriye ahaan ka fudud Kokaayiinta iyo Herowiinta ayay dowladu soo jeedisay in qofkii lagu qabto 10 garaam kayar aan la ciqaabin, taas badalkeedana caawinaad caafimaad loo fidiyo.

Wasiirka caafimaadka ayaa hadalkiisa ku daray inay muhiim in arrintan aan loo fahmin si qaldan, wuxuu sheegay in adeegsiga daroogadu uu wali ahaan doono sharicdaro, balse la fududeeyay in danbi la´aan la dhigo daroogada aan badneyn, looguna badalo talooyin caafimaad.

Xigasho/kilde: Så mye narkotika vil regjeringen tillate at du har uten risiko for straff.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments