Norway ayaa Cabdullaahi Shire UK u gacangalisay: 6 sano oo xabsi ah ayaa lagu xukumay

0
152
Sawirka: Abdulahi Shire Foto: WEST MIDLANDS POLICE

Maxkamad kutaal magaalada Birmingham ee dalka UK, ayaa lix sano iyo 10 bilood oo xabsi ah ku xukuntay nin soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Shire , kadib markii lagu helay danbi dil ah oo uu qirtay inuu u geystay Zakir Nawas oo 21 sano jir ahaa.

Sida ay boolisku sheegeen, waxaa Cabdulaahi falka dilka ah kala qeybqaatay nin kale oo soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamd Warsame, kaas oo ay boolisku xabsiga dhigeen bilowga sanadkii 2017.

Falka dilka ah ee ninkan loo xukumay, ayaa dhacay bishii September ee sanadkii 2016, kadib markii ninka la dilay iyo labada nin ee dilka u geystay uu dhexmaray muran ka dhashay isku dhaca labo baabuur oo ay kala wateen. Waxaana dilka loo adeegsaday mindi, sida ay boolisku sheegeen.

Norway ayuu ku dhuumanayay:

Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa qoreyso in Shire uu ka baxsaday dalka UK, kadib marka uu geystay dilkaas geystay. Waxeyna booliska UK warbixintiisa u gudbiyeen laamaha amniga ee aduunka oo dhan, iyaga oo ku raadjoogay mudo 4 sano ah, kahor inta aan bishii Juli ee sanadkii 2020 laga qaban magaalada Oslo.

Booliska UK ayaa sheegay inay heleen warbixino sheegeyso in Cabdulaahi uu ku dhuumanayay guri kuyaal magaalada Oslo, waxeyna caawin weydiisteen booliska Norway. Kuwaas oo Cabdulaahi soo xiray, kadibna u gacangaliyay booliska UK ee afarta sano baadigooba ugu jiray.

Ugu danbeyn 2-dii bishan February ayaa ninkan lasoo taagay maxkamada, waxaana lagu xukumay xabsi 6 sano iyo 10 bilood ah.

Xigasho/kilde: Zakir Nawaz killer jailed for 2016 Birmingham stab attack.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments