UDI: 3000 qof soomaali ah ayaa sanadkii hore qaatay dhalashada Norway.

2
147
Baasaboor Foto: Scanstockphoto

Sida lagu sheegay tirokoob ay soo saartay hey´adda qoxootiga ee UDI-da, 19.500 qof oo kasoo kala jeedo 100 wadan oo aduunka kuyaal, ayaa sanadkii hore qaatay dhalashada dalkan Norway. Dadka ugu badan ee qaatay dhalashada Norway, ayaa kasoo jeedo dalka Soomaaliya, sida ay sheegtay UDI-du.


Soomaalida ayaa sanadkii shanaad(5) oo xiriir ah mar kale noqoneyso qawmiyada ay kasoo jeedaan dadka ugu badan ee qaatay dhalashada ama baasaboorka Norway. Waxaana soo labeeyo(2) dadka kasoo jeedo dalka Ereteriya, oo 2.500 qof ay ka qaateen dhalashada Norway.

Riix sawirka, si aad u ogaato macluumaad dheeri ah.

Dowlada Norway ayaa sanaddo kahor adkeysay shuruudaha lagu xiro qaadashada Norway, saas oo taheyna waxaaba sii kordhayo tirada dadka ajaaniibta ah ee qaadanaya dhalashada Norway.

1500 ayaa qaatay degenaansho rasmi ah:

Isla tirakoobka kasoo baxay UDI-da, waxaa lagu sheegay in 18.000 qof oo ajnabi ah, ay sanadkii hore qaateen sharciga degenaanshaha rasmiga ah ee qofku uu ku degenaan karo Norway.

Siiriyaanka ayaa ah dadka ugu badan ee qaatay sharciga degenaanshaha, waxaana sanadkii hore qaatay 6.000 qof oo reer Siiriya ah. Waxaana soo labeeyo(2) Ereteriya, halka ay booska sadexaad kujiraan soomaalida, waxaa sanadkii hore sharcigaas helay 1.500 qof oo soomaali ah.

40.000 qof ayaa saf kujirto.

Dowlada Norway ayaa sanadkii hore ogolaatay in qofku uu isku heysan karo dhalashada Norway, iyo dhalashada dalal kale. Waxaana arrintaas ka dhashay in kumanaan qof oo Norwiiji asal ah, balse heystay dhalasho kale, ay soo codsadaan inay helaan baasaboorka Norway.

Arrintaas ayay UDI-du sheegeysaa inay sababtay inay aad u badato tirada dadka kujiro safka codsiga dhalashada Norway, waxaana xiligan jawaab sugayaal ah 40.000 qof.

Xigasho/kilde: UDI innvilget nesten 19.500 statsborgerskap i fjor.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

2 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Yaasiin Axmed Cabdi
3 years ago

please old family life please visa lotary

Yaasiin Axmed Cabdi
3 years ago

please my old family life please