Dowlada oo talaabooyin kusoo rogtay afartan(4) degmo

0
84
Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie. Foto: Eirin Larsen, SMK

Laga bilaabo xalay saqdii dhexe, dowlada Norway ayaa talaabooyin adag oo xayiraad ah kusoo rogtay degmooyinka Halden, Sarpsborg, Moss iyo Våler, cabsi laga qabo in nooca cusub ee feyruska Corona uu ku faafo degmooyinkaas awgeed.

Xayiraada lagu soo rogay degmooyinka afarta ah, ayaa lamid ah kuwii horey ay dowladu ugu soo rogtay degmooyinka Oslo, Ås iyo Nordre follo, sida uu xalay fiidkii shir jara´id ku sheegay wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie.

Talaabooyinka lagu soo rogay degmooyinkan, waxaa kamid ah in la mamnuucay kulamada banaanka ama gudaha ah, waxaa la xiray iskuulada sarre iyo jaamacadaha, halka iskuulada caruurta iyo xarumaha xanaanaday la galiyay heegankii ugu sareeyay(Calaamada guduudan).

Waxaa dadka awooda lagu qasbay inay guriga ku shaqeeyaan, halka albaabada loo laabayo xarumaha sentarada, lana xiri doono dukaamada, marka laga reebo kuwa cuntada daruuriga ah, farmashiyeyaasha iyo dukaamo kale oo kooban. Waxaana sidoo kale waajib ah in qofku uu xirto marada afxirka ah(Munnbind).

Talaabooyinka ay dowladu kusoo rogtay degmooyinkan, ayaa ah kuwii ugu adkaa ee dowladu ay qaado, tan iyo bishii Maarso ee sanadkii hore.

Degmooyinka Fredrikstad iyo Hvaler ee dariska la ah degmooyinka talaabooyinka adag lagu soo rogay, ayaa iyagana kujiro heerka labaad ee qiimeynta, waxaana si dhow loola socdaa xaaladooda.

Xigasho/killde: Regjeringen innfører strenge koronatiltak i flere Østfold-kommuner.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments