Asker: 1,7 milyan ayay Konto qaldan u direen.

0
231
Foto: Medium.com

Qof shaqaale ah katirsan qeybta dhaqaalaha degmada Asker ee dalkan Norway, ayaa konto qaldan oo uu shaqsi gaar ah(privat ) leeyahay, ku diray 1,7 milyan kr oo meel kale loo waday.

Degmada ayaa wali ku dhiban in qofkii lacagta kontadiisa lagu shubay, dib looga soo celiyo, maadaama uu lacagtaas mar horeba ku sameeyay maalgalin, uuna galiyay suuqa saamiyada(Aksje). Wuxuuna sheegay inuu maalgalintaas uu ku khasaaray 1,2 milyan oo kamid ah 1,7-kii milyan ee usoo dhacday.

Qofka lacagta sida qaldan loogu diray, ayaa xaqiijiyay in lacagtaas 1,7 milyanka ah ay kusoo dhacday koontadiisa. Balse wuxuu sheegay inuu u qabay inay uga timid banki uu xili hore ka codsaday deyn.

Degmada Asker ayaa hada dacwad ka gudbisay ninkaas ay markii hore kontadiisa gaarka ah ku direen lacagta. Duqa magaalada ayaa warbaahinta u sheegtay in dhacdadan ay ahay mid aad looga xumaado.

Xigasho/kilde: Sendte 1,77 millioner kroner til feil konto.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments