Shaqaale hey´ad Norwiiji ah u shaqeeyo oo lagu dilay qaraxii shalay ee Muqdisho

0
92
Jan Egeland: Madaxa hey´adda NRC Foto:AFP/ FABRICE COFFRINI

Hotel Afrika ee magaalada Muqdisho, waxaa shaley ka dhacay weerar ay soo qaadeen koox katirsan ururka Al shabaab. Waxaana hotellka lagu dilay ilaa toboneeyo qof oo uu kamid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa saraakiishii hore ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Hey´adda gargaarka qoxootiga ee NRC ee laga leeyahay dalkan Norway, ayaa maanta sheegtay in dadka hotellka lagu dilay uu kamid ahaa mid kamid ah shaqaalahooda Soomaaliya. Waxaana warkaas sidoo kale tabiyay TV-ga qaranka Norway ee NRK.

Jan Egeland oo ah madaxa guud ee hey´adda NRC ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay inay waayeen mid kamid ah saaxiibadooda ku shaqeeyay duruufta adag, wuxuuna ka diray tacsi. Sida lagu soo qoray barta ay hey´addu ku leedahay internetka. Halkan kasii akhri

Xigashp/kilde: Ansatt i Flyktninghjelpen ble drept.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments