Denmark: Wasiiraddii ajaaniibta oo maxkamad lasoo taagayo.

0
223
Foto: Skjermdump-TV2

Golaha shacabka dalka Denmark ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in wasiiradii hore ee arrimaha soo galootiga Denmark, Inger Støjberg lasoo taago maxkamad qaran.

Sababta ka danbeyso in wasiiradda maxkamad lasoo taago, ayaa ah in sanadkii 2016 iyada oo xiligaas ah wasiirka ajaaniibta ay amar ku bixisay in lamaanayaasha qoxootiga ah ee dalkaas magangaylada weydiista, aan loo ogolaan inay hal meel ku wada noolaadaan, hadii gabadhu ay ka yartahay 18 sano. Halkan kasii akhri warbixin aan akhrin horey uga qornay.

Arrintaas oo keentay in 23 lamaane(Gabar iyo wiil) ajaaniib ah oo isqabay loo diiday inay hal meel ku wada noolaadaan.

Wasiiradda ayaa dhowr mar oo kala duwan baarlamaanka Denmark siisay warbixin qaldan oo arintaas ku saabsan, sida lagu sheegay dacwada eedeynta ah.

Wasiiraddan la maxkameynayo ayaa kamid aheyd wasiirada ugu hadalka qalafsanaa siyaasadda Denmark, marka laga hadlayo arrimaha soo galootiga. Waxaana muuqato in hada lagu maxkamadeynayo, isla arrintii ay ku caanbaxday.

Xigasho/kilde: Danmarks tidligere innvandringsminister stilles for riksrett.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments