Wasiiraddii ajaaniib naceybka ku caanbaxay oo maxkamad muteysan karta.

0
172
Foto: Skjermdump-TV2

Wasiiraddii hore ee arrimaha soo galootiga dalka Denmark, Inger Støjberg ayaa lagu eedeeyay in xiligii ay wasiir aheyd ay si qaldan u adeegsatay sharciga dalkeeda, ayna jabisay xeerka xuquuqda qoxootiga iyo magangalyo siinta ee caalamiga ah.

Labo sharci yaqaan oo uu magacaabay golaha shacabka dalka Denmark, ayaa sheegay in wasiiradda lagu hayo cadeymo fal danbiyeed lagu hor keeni karo maxkamada, Ciqaabna ay ku muteysan karto.

Riix sawirka

Wasiiradda ayaa lagu heystaa in sanadkii 2016 soo saartay wareegtooyin hareermarsan sharciga Denmark iyo xeerka qoxootiga, kuwaas oo ku saabsanaa in labada qof ee qoxootiga ah ee sheega inay is qabaan, loo diido inay wada degaan hal meel, hadii gabadhu ay ka yartahay 18 sano. Arrintan ayay dad badan u arkeen in si toos ah dadka qoxootiga ah ee Denmark magangalyada weydiistay looga qaaday xoriyada qofeed iyo mida doorasho.

Sharciyaqaano ka shaqeynayay wasaaradda ayaa wasiiradda uga digay inay talaabadaas sameyso, balse wey ku adkeysatay. Waana sababta hada looga hadlayo in maxkamad qaran lasoo taago.

Wasiiradda oo caan ku aheyd ajnabi naceyb, ayaa hada muteysan karto xabsi. Waxeyna cadaadis kadib iska casishay xilkii gudoomiye ku xigeen oo ay ka heystay xisbiga Venstre oo kamid ah xisbiyada ugu waaweyn siyaasadda Denmark.

Xigasho/kilde: Jurister ser grunnlag for riksrett mot Danmarks tidligere innvandringsminister Inger Støjberg.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments