fredag, mai 3, 2024

Dowlada oo diiday in tixgalin loo sameeyo dadka raba inay qoysaskooda u dacwoodaan.

Dowlada Norway ayaa sanado kahor soo rogtay shardi ah in qofka raba inuu lamaanihiisa(Xaas&Nin) uga dacwoodo(keeno) Norway, ay sanadkii ugu yaraan soo gasho 270.000 kr oo dhakhli(lacag) shaqo ah. Iyo in 12-kii bilood ee ugu danbeeyay uusan wax kaalmo dhaqaale ah(ceyr) ka helin dowlada.

Maadaama feyruska Coronaha Awgii, boqolaal qof looga fariisiyay shaqooyinkii ay ka shaqeyn jireen, ayna ku qasbanaadeen inay codsadaan lacagta «Dagpenger»-ka, ayaa waxaa jiri karo dad badan oo rabay inay qoysaskooda keensadaan Norway, shaqana heystay, balse corona awgiis aan shardigaas dowlada buuxin karin.

Dowlada: Shardigaas lagama tagi karo.

Wasiiradda cadaalada Norway Monica Mælend ayaa sheegtay in dowladu aysan ku talo-jirin in Corona awgiis tixgalin gaar ah loo sameeyo, dadka rabay inay qoysaskooda keensadaan, balse uu Corona kahor istaagay shaqooyinkii ay ka shaqeyn jireen, sidaas awgeed aan buuxin shuruuda dowlada.

Wasiiradda oo ka jawaabeyso su´aal arrintaas ku saabsan oo baarlamaanka laga weydiiyay, ayaa sheegtay in qofka shaqada laga fariisiyay aan la hubin inuu shaqadiisii hore uu kusoo noqon doono. Sidaas darteed ay dhaqaale ahaan iyo wadanka la qabsi ahaanba, aysan fiicneyn in qof aan shaqo heysan uu wadanka keeno, masuuliyadna uu ka qaado qof cusub.

Karin Andersen oo ah xildhibaan katirsan xisbiga SV, ayaa wasiiradda weydiisay su´aashaas.

Karin ayaa sheegtay inay jiraan dad badan oo sanado badan shaqeynayay, rabeyna inay qoyskooda keensadaan, balse uu feyruska Corona ka hor istaagay arrintaas. Waxeyna codsatay in sida qeybaha kale ee bulshada loogu sameeyay tixgalin gaar ah, dadkaasna loo sameeyo tixgalin ku saabsan xaalada cusub ee soo korortay.

Wasiiradda cadaalada ayaa ka jawaabeyso su´aashas, ayaa sheegtay in dowladu aysan qorshaha ugu jirin in tixgalin loo sameeyo dadka ay arrintaas qabsatay. Balse la fili doono in dhawaan ay wax badan isbadalaan, noloshuna ay kusoo noqon doonto sidii caadiga aheyd.

Xigasho/kilde: Stortinget.no

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x