Dowada: Waxaan qiimeyneynaa bandow cusub.

0
94
Wasiirka Cadaalada Norway: Monica Mæland. Foto: Torbjørn Tandberg

Wasiiradda cadaalada Norway, Monica Mæland oo maanta shir jaraa´id qabatay, ayaa sheegtay in dowladu ay ka walaacsantahay tirada aadka u kordheysa ee dadka laga helayo xanuunka Corona, gudaha dalkan Norway. Waxeyna sheegtay in dowladu ay qiimeyneyso sharci cusub oo dalka bandow lagu soo rogi karo.

Wasiiradda ayaa sheegtay in ilaa hada aysan muusan sabab keeni karto in dalka la galiyo bandow lamid ah kii la galiyay bishii Maarso ee sanadkan, balse waxey sheegtay in dowladu ay ilaa bishii November ay qiimeyneysay suurtogalnimada in xaalad bandow ah lagu rogo dalka. Waxeyna sharci ku saabsan in dalka bandow lagu soo rogo isbuuca soo socdo u diri doontaa baarlamaanka Norway.

Riix sawirka

Wadamo dhowr ah oo Yurub ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo rogay noocyo kala duwan oo bandow ah, kuwaas oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa dadka, si looga hortago faafitaanka xanuunka Corona. Gaar ahaan nooca cusub ee laga helay dalka UK.

Wasiiradda ayaa dhanka dadweynaha ka codsatay inay raacaan talooyinka dowlada, si looga hortago in dalka bandow lagu soo rogo.

Xigasho/kilde: Mæland: – Sender lovforslag om portforbud ut på høring.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments