torsdag, mai 2, 2024

Deg-deg: Taageerayaasha Trump oo xoog ku qabsaday Aqalka Congress-ka

Taageerayaasha careysan ee madaxweyne Donald Trump ayaa xoog ku galay Aqalka Congress-ka Mareykanka ee Capitol Hill, waxaana xiligaas halkaas ka jirta xaalad kacsan oo cabsi leh.

Aqalka ayaa waxaa ka socotay ansixinta doorashada Mareykanka, taasi oo haddii la dhameystiro si rasmi ah Joe Biden uga dhigi laheyd madaxweynaha cusub ee Mareykanka, isaga oo kadibna xilka la wareegi lahaa 20-ka Janaayo.

Hase yeeshee kumanaan ka mid ah taageerayaasha Trump ayaa magaalada Washington ka sameeyey dibad-bax ay ugu magac dareen “Jooji Xatooyada,” ayaga oo ku doodaya in guusha doorashada laga qiyaamay.

Kusoo degso Mobilkaaga gacanta.

Trump ayaa ilaa hadda ku adkeysanaya inaan looga adkaan doorashada madaxweyne, inkasta oo marino badan oo uu maray, oo uu ku beddeli lahaa natiijada doorashada aysan miro dhalin.

Taageerayaasha oo kumanaan ah, ayaa jebiyey xeendaabkii Aqalka Capitol Hill kadib markii ay isku dhaceen booliska ilaalinayey. Booliska ayaa isku dayey inay ku kala cayriyaan sunta dadka ka ilemysiisa hase yeeshee wa ay ku guul-dareysteen.

Waxaa la joojiyey kulankii ka socda Aqalka, ayada oo xubnaha Congress-ka, waxaana hoolalkii shirarka si buuxa ula wareegay taageerayaasha Trump.

Xildhibaanada soomaaliga ah ee Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitterka kusoo qortay inay nabad qabto, balse ay nafteeda lasoo carartay.

Trump ayaa twitter-ka soo dhigay qoraal uu taageerayaashiisa uga dalbanayo inay si nabdoon u banaanbaxaan hase yeeshee taasi waxba kama bedelin xaaladda.

Xaalad ayaa aad u kacsan iminka, lama oga sida ay ku dambeyn doonto.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x