USA: Norway naloogama imaan karo.

0
187
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Bidden Foto: REUTERS/Tom Brenner

Madaxweynaha dhawaan la dhaariyay ee dalka Mareykanka, Joe Biden ayaa maanta soo saaray xanibaad la xiriirta in muwaadiniinta aan Mareykanka u dhalan ee kasoo jeeda Norway iyo 29 wadan oo kale, aysan soo gali karin Mareykanka.

War kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhamaan dadka 2-dii isbuuc ee ugu danbeeyay ku sugnaa ama soo maray Norway, Brasil, Koonfur Afrika iyo 27 kale, aysan soo gali karin dalka Mareykanka. Xayiraadan ayaa dhaqan-galeyso isla maalinta berri ah ee Talaadada.

Dowlada Mareykanka ayaa go´aanka ku tilmaantay mid looga hortagayo faafitaanka nooca cusub ee xanuunka Corona, kaas oo maalmihii ugu danbeeyay lagu arkay gudaha dalkan Norway.

Sweden ayaa horey u mamnuucday in dalkeeda looga soo galo xuduudaha Norway, waxeyna sidoo kale muwaadiniinteeda kula talisay inaan loo safrin Norway.

Xigasho/kilde: USA innfører innreiseforbud.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments