fredag, mars 29, 2024

543.000 qof oo soo degsatay App-ka smitte-stopp

Sida ay qortay wakaalada wararka ee NTB, Dad gaaraya 543.000 qof ayaa soo mobiladooda gacanta kusoo degsaday App-ka ay sameeyeen hey´addaha caafimaadka ee Smitte-stopp, kaas oo loogu talagalay inuu ka qeybqaato kahortaga faafitaanka feyruska Corona. App-kan ayaa adeegsigiisa la bilaabay dhamaadka bishii Desember ee sanadkii tagay, kadib markii hawada laga saaray App-kii isaga ka horeeyay oo cilado ay kusoo baxeen.

App-kan ayaa ah mid dowladu ugu talagashay in qofkii soo degsado uu uga digo marka uu u dhawaado qof laga helay xanuunka Corona, iskana diiwaangaliyay App-ka. Iyada oo ujeedku uu yahay in app-ku uu noqdo aalad dadka ka caawisa inay ka digtoonaadaan u dhawaanshaha qof laga helay feyruska, lagana fogaado in xanuunku uu ku faafo bulshada.

Halkan kasii akhri macluumaad dheeri ah oo af soomaali ku qoran oo ku saabsan App-ka(FHI).

Riix sawirka, si aad macluumaad dheeri ah uga ogaato App-ka.
Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x