torsdag, april 18, 2024

Wuxuu amar ku bixiyay inaan «Hytte» loo safrin, isagii ayaana «hytte» ku maqnaa

Dowlada Norway ayaa shaley soo rogtay xayiraado adag oo la saaray 10 degmo oo Oslo ay kamid tahay, kadib markii noocan dhalan-rogmay ee feyruska Corona uu ka dilaacay degmada Nordre Follo ee duleedka Oslo. Halkan kasii akhri awaamiirta cusub ee dowlada.

Awaamiirta iyo talooyinka ay dowladu soo bandhigtay, waxaa shaley shir jaraa´id oo fogaan arrag ah(digital) ka akhriyay wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie. Mid kamid ah talooyinka uu wasiirku soo jeediyay ayaa ahaa in dadweynaha kunool 10-ka degmo ee bandowga la saaray, aysan kasoo bixin(safrin) degmooyinkaas, si feyrusku uusan ugu faafin gobolada kale ee dalka.

Dowlada ayaa dadka kunool degmooyinkaas xayiraada la saaray ku amartay inay u safrin cariishyada loo nasasho tago(Hytte), ayna ku ekaadaan guryahooda, si looga hortago in feyruska uu faafo, una gudbo degmooyinka kale ee dalka.

Arrin ay dad badan ka muujiyeen fal-celin xoogan, shaleyna baraha bulshada aad looga hadalhayay ayaa aheyd in wasiirka caafimaadka laftirkiisu uu xiliga uu shirka jaraa´id qabanayay uu ku sugnaa cariishkiisa(hytte) oo kuyaal degmada Bjerkreim ee gobolka Rogoland.

Dadka qaarkood ayaa wasiirku u jeediyay dhaleeceyn ah ku aadan inuusan sameynayo laba wajiileyn, waxeyna sheegeen in uusan isagu raacin talooyinka uu dadka kale usoo jeedinayo inay raacaan.

Wasiirka: Ma aanan ogeyn waxa imaan doono.

Wasiirka oo ka jawaab-celiyay eedeynta dadweynaha, ayaa sheegay in khamiistii uu kasoo safray magaalada Oslo oo uu kuyaal xafiiskiisa shaqada. Isaga oo sheegay in xiligaas aysan wali dowladu qaadan go´aan ku aadan xaalada cusub ee soo korortay ee feyruska Corona. Wuxuuna raaciyay in isla maanta(Axad) uu kusoo noqonayo Oslo, si uu shaqadiisa usii wato, ulana falgalo xaalada cusub.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in halkaas uusan dalxiis iyo nasasho ku heysan, maadaama uu waqtigiisa inta badan kujiro shaqada iyo kala hagista xaalada cusub ee soo korortay.

Xigasho/kilde: Høie fikk reaksjoner på hyttetur – nå svarer han.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x