UK oo markale Bandow la galiyay, Denmark oo qarka u saaran bandow.

0
69
Boris Johnson: Reysulwasaaraha UK. Foto: NN

Reysulwasaaraha dalweynaha UK, Boris Johnson ayaa shaley mar kale ku dhawaaqay bandhow u dhismaa kii bishii Maarso oo kale lagu rogay dalkaas, xanuunka Corona Awgiis.

Reysulwasaaraha ayaa sheegay in nooca cusub ee xanuunka Corona uu noqday mid faraha kasii baxayo, sababaneyna in awooda isbitaalada ee la tacaalista dadka uu xanuunka soo rito ay xadkeeda dhaaftay. Wuxuuna dadweynaha dalkiisa ka codsaday in si wadajir ah arrintan looga hortago.

Nooca cusub ee xanuunka Corona ayaa 70% ka faafitaan badan noocii horey loo yaqaanay.

Bandowga cusub ayaa ka dhigan in la xiri doono dhamaan goobaha waxbarashada iyo iskuulada, waxaana maqaaxiyaha lagu qasbi doonaa inay bixiyaan raashinka take-aweyka(Guriga loo qaato) ah oo kali ah.

Dalka Denmark oo kamid ah dalalkii ugu horeeyay ee Yurub ah ee lagu arkay nooca cusub ee xanuunka Corona, ayaa isna waxaa aad looga deyrinayaa xaalada xanuunka Corona. Dowlada Denmark ayaa soo rogtay go´aamo cul-culus oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa dadka, iyada oo sheegtay in hadii ay xaaladu kasii darto bandow buuxo lasoo rogi doono.

Xigasho/kilde: England går inn i ny lockdown.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments