Switzerland: Wiil soomaali ah oo mid kale oo soomaali ah dilay.

0
315
Sawirka wiilka la dilay iyo kan wax dilay Foto: Privat

Muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Fahad Shire Yasin ayaa lagu dilay magaalada Geneva ee dalka Switzerland sida wariyay wargeyska 20 Minuten ee kasoo baxa dalkaas.

Qoys deegaan ku ah magaalada Geneva ayey la xiriirta qisadaan, waxaana warbixinada la qoray lagu sheegay in ninka dilka geystay oo magaciisa lagu sheegay Mohamed Ahmed uu ka carooday in xiriir lala sameeyay xaas ay kala tageen oo afar caruur ah u dhashay.

Dilka waxaa loo adeegsaday Tooreey, sidoo kalana Mohamed wuxuu dhibaato soo gaarsiiyay xaaskiisii hore oo hadda ay taallo mid ka mid ah isbitaalada magaalada Geneva.

Riix sawirka

Shaqsiga dilka geystay, sidoo kalana dhibaatada u geystay xaaskiisii hore waxaa da’diisa lagu sheegay 32-jir, wuxuuna u shaqeynayay shirkad cunnooyinka dadka ugu geysa guryaha.

Booliiska ayaa qabtay, waxeyna weydiin doonaan su’aalo la xiriira falka uu geystay iyadoo sharciga dalka Switzerland u yaalla uu yahay inuu wajaho xabsi inta u dhaxeysa shan ilaa sideed sano.

Sidoo kale muwaadinka wax dilay dhawaan ayuu soo galay dalka Switzerland wuxuuna wajahi doonaa musaafuris marka uu dhameysto xabsiga.

Xigasho/kilde: Caasimadda

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments