Norway: Labo(2) qof oo Corona laga talaalay oo geeriyooday.

0
152
Coronavirus Foto: T.O.I

Sida uu qoray wargeyska VG ee dalkan Norway, labo(2) qof oo kamid ah dadkii isbuucii hore qaatay talaalka Coronavirus, ayaa geeriyooday maalmo kadib markii ay talaalka Corona qaateen. Labada qof ee geeriyootay ayaa kamid ahaa dadk waayeel ah ee degan xarumaha lagu xanaaneeyo dadka waaweyn.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha ee FHI iyo Hey´addaha daawooyinka ayaa bilaaway baaritaan lagu sameynayo inuu jiro wax xiriir ah ka dhaxeeyo sababta geeridooda iyo qaadashada talaalka Corona.

Riix sawirka

Dowlada Norway ayaa horey u go´aamisay in dadka waayeelka ah ee lagu hayo xarumaha xanaanada loogu hormarsiiyo talaalka Corona, maadaama ay yihiin dadka ugu nugul ee xanuunku uu waxyeelada ugu badan gaarsiin karo.

Steinar Madsen oo katirsan hey´adda daawooyinka ayaa sheegay inay u badantahay in dadka waayeelka ah ee la siiyay talaalka Corona, ay horey u qabeen xanuuno waaweyn, marka lagu daro da´dooda oo weyn, taas oo sababi u noqon karto geeridooda. Balse wuxuu raaciyay inay baaritaan ku sameyn doonaan in talaalka Corona uu wax xiriir ah ama saameyn ah ku leeyahay sababta geeridooda.

Xigasho/kilde: UNDERSØKER DØDSFALL BLANT PASIENTER SOM FIKK VAKSINE.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments