Boolisko oo ka digaya fariimahan dadka Mobilka loogu soo diro.

0
101
Fariimaha dadka loo soo diray. Foto: Politiet

Sida ay sheegeen booliska, dad badan oo Norway kunool ayaa maalmihii ugu danbeeyay helay fariimo loogu soo diray mobilada gacanta, kuwaas oo looga codsanayo inay soo dalbadaan baasaboor cusub, iyaga oo galaya(riixiya) linki mobilka loogu soo diray. Dadka fariimaha soo dirayo ayaa iska dhigaya inay ka socdaan booliska Norway, qeybta qaabilsan baasaboorada.

Booliska ayaa dadweynaha uga digayo inay furaan ama galaan linkiyada loogu soo diray mobilka, waxeyna cadeeyeen in fariimaha ay ka danbeeyaan koox burcad internet ah oo rabta inay xadaan macluumaadka dadka, si ay ugu dhacaan kaararka bangiyadooda ama ay hadhow madax furasho uga dalbadaan.

Booliska ayaa sheegay in dadka loo soo diro fariimahaas ay mar walba hubiyaan telefoonka fariinta soo diray, kahor inta aysan furin linkiga. Waxeyna sheegeen in fariimaha qaarkood laga soo diray dalalka Yurubta Bari.

Xigasho/kilde: Politiet advarer: Svindel-SMS om pass.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments