Sweden oo raacday Norway: Xiligan ayaa la bilaabi doonaa imtixaanka luuqada ee dhalashada.

0
108
Morgan Johansson Wasiirka cadaalada Sweden. SAWIRKA:Kristian Pohl/Government Offices of Sweden

Xukuumada ka talisa dalka Sweden ayaa bilo kahor heshiis la gashay xisbiyada kala ah Centerpartiet iyo Liberalerna, heshiiskaas oo qeybtiis uu dhigayay in imtixaan luuqada ah iyo mid aqoonta bulshada ah laga qaado dadka ajaaniibta ah ee raba inay qaataan dhalashada ama baasaboorka Sweden.

Dalka Norway ayaa sanadkii 2017 usoo rogtay sharci kan oo kale ah. Waxaana xeerkaas Norway kaga horeeyay Denmark.

Waxeyna dowladu arrintaas u saartay gudi kasoo baaraan-daga qaabkiis heshiiskaas looga dhigi karaa mid dhaqan-gali kara. Wasiirka socdaalka dalka Sweden Morgan Johansson(Sawirka kore) ayaa sheegay in qorhsha dowladu uu yahay in xeerkaas uu ugu danbeyn dhaqan-gali doono sanadka 2025.

Wasiirka socdaalka Sweden ayaa sheegay in shuruudahan ay muhiim u yihiin dadka ajaaniibta ah, si ay ugu fududaato dhexgalista bulshada iyo ka qeybqaadashada suuqa shaqada.

Xeerka imtixaanka luuqada iyo kan cilmiga bulshada, ayaa qaban doono dadka ay da´doodu u dhaxeyso 16 ilaa 66 sano. Waxaana laga reebay dadka ka weyn 66 sano oo sababo xanuun ama luuqada oo ku adag shuruudaas ay ku adkaan karto.

Xigasho/kilde: Sveriges-radio

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments