Denmark: Soomaali biskoolad lagu qabtay: Xabsi iyo musaafurin!.

0
240

Sida lagu soo qoray barta rasmiga ah ee internetka ay ku leeyihiin booliska dalka Denmark, maxkamad kutaal magaalada Copenhagen ee caasimada Denmark, ayaa xukun xabsi iyo musaafurin wada socdo ah isugu dartay nin soomaali ah oo 28 sano jir ah.

Maxkamada ayaa 28-jirkan ku heshay danbi la xiriira inuu xaafad dhexdeed ku riday biskoolad, iyo inuu si sharci daro ah ku heystay hub. Falkan ninkan loo xukumay ayaa 13-kii august ee sanadkii hore ka dhacay xaafada Gladsaxe ee duleedka Galbeed ee magaalada Copenhagen.

Maxkamada ayaa ninkan soomaaliga ah oo horey loogu xukumay danbiyo la xiriira hub heysasho iyo adeegsi, ku xukuntay sadex(3) sano iyo bar xabsi ah. Waxaana loogu daray in maxkamada uu xukunka xabsiga dhameysto laga musaafurin doono dalka Denmark.

Ninkan ayaa isla goobtaba racfaan uga qaatay xukunka maxkamada. Balse maxkamada ayaa ogolaatay in wali si kumeel gaar ah ay boolisku ugu sii hayaan xabsiga.

Dalka Denmark ayaa kamid ah dalalka ugu ciqaabta adag, marka laga hadlayo ajaaniibta geysata ama lagu eedeeyo danbiyada. Waxaana ajaaniib badan oo la xukumay loo raaciyay musaafuris laga dhoofiyo dalka Denmark ah.

Xigasho/kilde: Pistol gav fængsel og udvisning.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments