Dowlada oo hadana waqtiga u dheereysay kordhiska «dagpener»-ka»

0
175
Reysulwasaaraha Norway iyo wasiirka shaqada. Sawirka: Arvid Samland/Statsministerens kontor

Kadib markii uu dalkan Norway ka dilaacay xanuunka Corona-virus, shaqooyinkana laga fariisiyay boqolaal kun oo qof, dowlada Norway ayaa si kumeel gaar ah u kordhisay lacagta -dagpenger-ka ah ee la siiyo dadka shaqada laga fariisiyay, waxaana la gaarsiiyay lacag u dhiginta 80% mushaarkii uu qofku ka qaadan jiray shaqadiisa.

Dowlada ayaa isbuucyo kahor sheegtay in bilowga sanadk 2021 arrintaas wax laga badali doono, maadaama markaas la rajeynayay inay hoos u dhacdo tirada dadka shaqo la aanta ah gudaha Norway, ayna boqolaal kun oo qof dib ugu soo noqdeen shaqooyinkoodii hore. Waxaana arrintaas qeylo dhaan badan ka muujiyay ururada shaqaalaha iyo xisbiyada mucaaradka.

Dowlada: Waxaan sii wadeynaa ilaa 1-da Juli.

Isbuucyadii ugu danbeeyay waxaa dalkan Norway hadana aad usoo batay xanuunka Corona, waxaana jiro wel-wel ah inay kororto tirada dadka shaqooyinka laga fariisin doono ama lagu amri doono inay dhimaan saacadaha shaqada.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Henrik Ashei ayaa sheegtay in dowladeeda ay go´aansatay inay sii wadeyso kordhiska lacagta «dagpenger» ilaa laga gaarayo kowda(1) bisha Juli(7) ee sanadkan 2021.

Xigasho/kilde: Regjeringen: Fortsetter å betale mer i dagpenger frem til 1. juli.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments