Romsdal: Hooyo loo maxkamadeynayo jirdilka iyo u hanjabaada caruurteeda

0
74
Foto: Regjeringen.no

Maxkamada Romsdal ee gobolka Møre og Romsdal ee dalkan Norway, ayaa dhawaan qaadeyso dacwad ka dhan ah hooyo ku eedeysan jirdil iyo hanjabaad ay mudo u geysan jirtay sadex kamid ah caruurteeda. Waxaa warkan soo tabiyay wargeyska lokalka ah ee Romsdal Budtikke.

Dacwada hooyadan ka dhanka ah, ayaa lagu sheegay inay ku eedeysantahay dilitaan ay marar badan caruurteeda uga geysatay jirka iyo wajiga, mudadii u dhaxeysay 2012 ilaa 2019.

Waxyaabaha kale ee hooyadan lagu eedeeyay ayaa waxaa kamid ah inay caruurteeda ugu hanjabtay inay dileyso(nafta ka qaadeyso), sidoo kalena ay ugu hanjabtay in dalka(Norway) ka dhoofineyso.

Dhageysiga maxkamadeed ee dacwada ka dhan ah hooyadan, ayaa sagaalka(9) bisha Maarso ka bilaaban doonto maxkamada Romsdal.

Xigasho/kilde: Mor tiltalt for mishandling av barn.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments