Moss: 28 qof oo lagu duray laban-laabka xajmiga daawada talaalka Corona ee qofka loogu talagalay.

0
91
Coronavirus Foto: T.O.I

28 qof oo kunool mid kamid ah xarumaha lagu daryeelko dadka waayeelka ah ee magaalada Moss, ayaa lagu duray( la siiyay ) ku dhawaad laban-laabka xajmiga daawada talaalka Corona ee loogu talagalay in qofkiiba lagu duro. Waxaana arintaas warbaahinta u xaqiijiyay Kristian Krogshus oo ah dhakhtarka guud ee degmada Moss.

28-ka qof ee waayeelka ah ayaa lagu duray daawoyinka talaalka oo xajmigoodu uu ilaa 1,5 ilaa 1,8(ku dhawaad laban-laab, 100%) ka badanyahay kii caadiga ahaa ee qofkiiba loo qorsheeyay inta lagu duro. Dhakhtarka degmada Moss ayaa sheegay in arrintan ay ku dhacday qalad bini-aadanimo, wuxuuna sheegay in hawlwadeenada caafimaadku ay si qaldan isugu dar-dareen daawooyinka talaalka, taasna ay keentay qaladka dhacay.

Ilaa hada lama soo sheegin wax saameyn ah oo daawadan dheeraadka ah ee dadkaas la siiyay ay ku yeelatay noloshooda maalinlaha ah. Waxaana xaaladooda si dhow ula socdo hawlwadeenada caafimaadka degmada.

Degmada ayaa ayaa isla marka ay ka werheleen qaladka dhacday, waxey wargaliyeen ehelada dadka xaruntaas kunool ee daawada dheeraadka ah lagu duray. Dhakhtarka guud ee degmada ayaa sheegay in arrintan aheyd qaladka xagooda ka dhacay, wuxuuna ka bixiyay raaligalin, isaga oo sheegay in arrintan baaritaan lagu sameyn doono, waxna laga baran doono.

Xigasho/kilde: Satte nesten dobbel dose med coronavaksinen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments