R.W Solberg: Fadlan, Yaan booqasho laguugu imaan.

0
136
Foto: Arvid Samland/Statsministerens kontor.

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg oo shaley galabtii qabatay shir jaraaíd ayaa bulshada Norway mar kale ka codsatay inaan la isugu imaan booqasho ilaa mudo 2 todobaad ah, si looga hortago faafitaanka xanuunka Coronavirus. Waxeyna soo bandhigtay xeerarka cusub oo ay dowlada soo rogtay iyo talooyin cusub, kuwaas loogu talagalay kahortaga Corona.

Reysulwasaaraha ayaa sheegtay inay cabsi xoogan oo ah in tirada xanuunka Corona ay kor u kacdo Norway maalmaha iyo isbuucyada soo socdo.

Riix sawirka

Dowlada ayaa dhanka kale soo rogtay talaabooyin cusub oo looga hortagayo xanuunka Corona, ayna ugu horeyso in iskuulada iyo goobaha waxbarashada sarre aan lagu soo noqon ilaa 18-ka bishan January. Sidoo kale dowlada ayaa mamnuucday inay xaflad isugu imaan karaan wax ka badan 5 qof, halka goobaha shirarka aysan isugu imaan karin dad ka badan 10 qof.

Xigasho/kilde: Slik blir de nye korona-reglene i Norge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments