Faransiiska oo sababtan awgeed dhalasho ku abaalmarinayo boqolaal ajaaniib ah.

0
124
Madaxweynaha Faransiiska: E. Macron.

Dowlada dalka Faransiiska ayaa ku dhawaaqday inay boqolaal qof oo ajaaniib ah oo dalkaas kunool ama ka shaqeeya ay ku abaalmarin doonto baasaboorka dalkeeda, kadib markii ay kaalin fiican ka geysteen la tacaalista xanuunka Covid-19 iyo dadka uu xanuunku ku dhacay ee isbitaalada la dhigay.

Dalka Faransiiska ayaa kamid ah dalalka uu xanuunku saameynta ugu badan ku yeeshay dalalka Yurub. Waxaa xanuunkaas gudaha Faransiiska u geeriyooday dad gaaraya 62.000 qof.

Riix sawirka

Dadka ay dowlada Faransiiska sheegtay in lagu abaalmarinyo baasaboorka Faransiiska ayaa isugu jiro shaqaale caafimaad, dadka ka shaqeeya hawlaha dhaqmada, dadka ka shaqeeya xarumaha dowlada ee lagu xanaaneeyo dadka waaweyn, iyo dadka siyaabooyinka kala duwan ee kala uga qeybqaatay gurmadka ka hortaga xanuunka Coronavirus.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Faransiiska ayaa dhanka kale sheegtay in qofkii cadeeya inuu qeyb muhiim ah ka qaatay kahortaga xanuunka Covid-19, la siin doono tixgalin gaar ah, marka uu kujiro safka codsiga baasaboorka dalkaas.

Xigasho/kilde: Halkan ka akhri qoraalka kasoo baxay dowlada Faransiiska.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments