FHI: 2 Nooc cusub oo xanuunka Corona ah oo Norway lagu arkay.

0
166
Line Vold: Agaasime Waaxeed FHI Foto: NN

Dalkan Norway waxaa maalmihii lasoo dhaafay lagu arkay labo nooc cusub oo xanuunka Coronavirus ah, kuwaas oo ka duwan noocii caadiga ahaa ee horey loo yaqaanay.

Sida ay xaqiinisay Line Vold oo ah agaasime waaxeed katirsan hey´adda caafimaadka dadweynaha ee FHI, waxaa shaley Norway lagu arkay nooc cusub oo xanuunka Coronavirus ah oo laga helay qof ka yimid dalka Koonfur-Africa. Noocan ayaa ah mid ka duwan, kana faafitaan badan kii horey loo yaqaanay.

Riix sawirka

Dhanka kale waxaa maalmihii lasoo dhaafay gudaha Norway lagu arkay ilaa 23 kiis oo la xiriira nooca cusub ee xanuunka Coronavirus-ka ah ee faraha ba´an ku hayo dalka Ingiriiska. Noocan cusub ee Corona virus-ka ah ayaa 70% ka faafitaan badan kan caadiga ah ee la yaqaanay.

Hey´addaha caafimaadka ayaa qaba wel-wel ah in noocyadan cusub ee Coronavirus-ka ah ay qeyb ka qaadan karaan in xanuunka Corona uu saameyn xoogan ku yeesho Norway.

Xigasho/kilde: Mutert koronavirus fra Sør-Afrika påvist i Norge.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments