(Muhiim): Akhri sharciyada cusub ee 2021 ee ku saamey kara.

0
240
Erna Solberg: Reysulwasaaraha Norway Foto: Ida Dahl Nilssen/SMK

Kowda bisha January ee sanadka 2021, wuxuu dhaqankalkoodu bilaabmayaa sharciyo iyo xeerar badan, kuwaas oo horey loo ansixiyay sanadkii lasoo dhaafay ee 2020. Sharciyada ugu muhiimsan ee sanadka 2021 isbadalka lagu sameeyay waxaa kamid ah:

  1. Adeegsiga Mobilka xiliga baabuur wadista: Waxaa la kordhiyay ganaaxa lacageed ee la saaro dadka la qabto iyaga oo moobilkooda gacanta adeegsanayo xiliga ay wadaan baabuurka. Waxaana laga dhigay 5000 kr, halkii ay markii hore aheyd 1700 kr. Sidoo kale waxaa qofkii arrintaas lagu qabto leysinka baabuur wadista looga xariiqayaa sadex dhibcood oo digniin ah.
  2. Ceyrta iyo barashada luuqada Norwiijiga: Hadii uu qofku dhaqaale ka helo xafiiska ceyrta, uusana awoodin inuu noloshiisa masruufo aqoontiisa luuqada Norwiijiga oo liidato awgeed, wixii ka bilowdo 1.Janaury waxaa shardi looga dhigi karaa inuu luuqada barto, si ay ceyrta ugu sii socoto. Haduu uu diidana waxaa laga dhimi doonaa lacagta ceyrta ah ee uu qaato.
  3. Sugitaanka xiliga lacagta Dagpenger: Hadii uu qofka shaqadiisa uga tagto sabab aan loo qaateen aheyn(Macquul aan u muuqan muuqan), oo tusaale ahaan uu sabab la´aan shaqadiisii hore uga tago, waxaa lagu dheereyn doonaa mudada sugitaanka qaadashada lacagta dagpenger. Wuxuuna ku qasbanaan doonaa inuu sugo 18 isbuuc( 4 bilood ku dhawaad), si uu lacagta Dagpenger u codsan karo.
  4. Qofkii shaqo loo bandhigay diida: Dadka qaata lacagta Dagpenger-ka ee sabab la aan diida inay aqbalaan shaqo loo soo bandhigay, waxaa qaadashada lacagta Dagpenger laga joojin karaa 18 isbuuc(Afar bilood).
  5. Hawlgabka dadka qoxootiga ah: Waxaa iyadna sanadkan uu dhaqangalkiisu bilaabmayaa sharci horey loo ansixiyay, kaas oo sheegaya in qofka qoxootiga ama ajnabiga ah ee Norway howlgab ku noqday isaga oo aan buuxin shuruudihii hawlgabnimada, inuu lumin doono xuquuqa tixgalinta goonida ah ee horey loo siin jiray. Taas oo ka dhigan in laga dhimi doono lacag gaareyso 1000 kr bishii. Arintan ayaa saameyn ku yeelaneyso dadka ay da´doodu ka sareyso 67 sano.
  6. Qoxootiga waa inay shan(5) sano ceyrta sugaan: Sanadkan 2021 wuxuu dhaqangalkiisu bilaabmayaa sharci horey looga ansixiyay baarlamaanka Norwaym jaas oo dhigaya in qofka qoxootiga ah ee Norway ku cusub uu ugu horeyn Norway ku noolaado shan(5) sano, kahor inta uuusan xaq u yeelan lacagaha kaalmada dowlada, Sida Ceyrta, lacagta hawlgabka, kaalmada dadka naafada ah ee aan shaqeyn karin, lacagta la siiyo hooyooyinka kali-noolka ah.
  7. Baabuurta El-Biler oo canshuur lago soo rogay: Baaabuurka korontada ku shaqeeyo, ayaa wixii ka danbeeyo sanadka 2021, waxaa lagu soo rogay bixinta lacag canshuuro ah oo gaaryesa 2100 kr sanadkii.
  8. Taageerada dhaqaale uurka dhalmada kahor: Waxaa la kordhiyay taageerada dhaqaale ee la siiyo hooyooyinka uurka leh, kahor inta uusan dhalan ilmaha. Waxaa laga dhigay 90.300 kr, halka ay markii hore aheyd 84.720 kr.
  9. Taageerada waalidka caruur oo la kordhiyay: Waxaa 300 kr bishii lagu kordhiyay lacagta la siiyo waalidka heysto caruurta yar-yar ee lixda(6) kayar. Waxaana laga dhigay 1654 kr.
Riix sawirka
Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments