Bergen: 4 boolis ah oo lagu dacweeyay dilka nin ay toogteen.

0
65
Foto: Politiet

4 sarkaal oo katirsan booliska magaalada Bergen, ayaa lagu eedeeyay in 21-ka bishii na dhaaftay ee Disember ay guri kuyaalo magaalada Bergen ku toogteen nin 39-jir ah. Ninkan ayaa xiliga ay boolisku tooganayeen waxa uu gacanta ku sitay mindi, waxeyna boolisku sadex xabadood kaga dhufteen qeybta kore ee jirka, iyaga oo dhaawac ahaan ugu qaaday isbitaalka, halkaas oo uu markii danbe ku geeriyooday. Halkan kasii akhri

Ninka la toogtay ayaa ahaa qof ay horey boolisku u yaqaaneen, waxaana horey loogu eedeeyay danbiyo ay kamid ahaayeen adeegsiga daroogo. Isaga oo galinka hore ee habeenkaas ay boolisku gurigiisa ku toogteen kasoo baxay xarun lagu xanaaneeyo dadka dhimir ahaanta u xanuunsan.

Riix sawirka

Afarta sarkaal ee booliska ah ee xiliga uu falkan dhacay ku sugnaa guriga ninkan, ayaa hada lagu dacweeyay toogashada kiiskan, waxaana la baarayaa in adeegsiga xabadaha uu ahaa mid ku yimid qiimeyn sax ah oo ay boolisku ku sameeyeen xaalada markaas jirtay, iyo in la heli karay wado kale oo aan toogasho aheyn oo ninkaas mindida looga badbaadin karay.

Inkasta oo afarta ninka sarkaalba la wada dacweeyay, hadana nin kamid ah afartooda ayaa ku eedeysan inuu ahaa qofkii furay xabadaha ugu danbeyn sababay dhimashada ninkaas ay boolisku toogteen.

Xigasho/kilde: Ble skutt med tre skudd av politiet i Ibsens gate.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments