fredag, mai 3, 2024

Norway: Dhimashada 7 qof oo la xaqiijiyay, iyo 3 qof oo wali la´yahay.

Deegaanka Gjerdrum ee gobolka Viken, waxaa dhowr maalin kahor ka dhacday musiibo carro-rogmad(Ciida hoose oo dhulka oo rogmata gariir awgiis) ah oo sababtay dhimashada ilaa hada inta la xaqiijiyay Todobo(7) qof iyo burburka guryo aad u badan. Waxaana sidoo kale nolol iyo geeriba la heyn sadex (3) qof oo kamid ah dadka deegaanka degenaa.

Lix(6) kamid ah dadka geeriyooday ayaa meydkooda la aqoonsaday, halka qofka todobaad ay hey´addaha caafimaadka aysan wali xaqiijin aqoonsigiisa dhabta ah.

Riix sawirka

Dadka dhintay iyo kuwa geeriyoodeyba, waxey dhamaantood isugu jiraan caruur yar-yar, dhalinyaro iyo dad waayeel ah.

Dhamaan hey´addaha dowlada ayaa maalmihii ugu danbeeyay si isdaba joog ah howlo badbaadin iyo gurmad ah ka waday deegaankaas, waxaana sidoo kale shaley booqasho ku tagay boqorka dalkan Norway oo u tacsiyeeyay dadkii ay dhibaatada kasoo gaartay musiiabadan.

Musiibadan dabiiciga ah ayaa aheyd mid kamid ah kuwii ugu darnaa ee ka dhacda dalkan Norway sanadihii lasoo dhaafay.

Xigasho/kilde: Leirskredet i Gjerdrum.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x