Dowlada oo fursad kale siineyso dad uu ka dhamaaday xaq-lahaanshaha «Dagpengerka»

0
159
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Norway, Torbjørn R. Isaken. Foto: Ingrid Asp, Arbeids- og sosialdepartementet

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada dalkan Norway ayaa maanta soo jeedisay in dadka uu ka dhamaaday xaq lahaanshaha qaadashada lacagta «dagpenger», mar kale la siiyo fursad cusub oo ay lacagtaas kusoo codsan karaan.

Arrintan oo lagu cadeeyay war qoraal ah oo wasaaradda kasoo baxay, ayay wasaaradu soo jeedisay in dadka gaaray mudada ugu badan ee qofku uu xaq u lahaan karo inuu qaato lacagta Dagpenger-ka wixii ka danbeeyay kowdii(1) bishii November(11), ay mar kale soo codsan karaan qaadashada lacagtaas, laga bilaabo kowda(1) bisha February(2) ee sanadkan.

Riix sawirka, si aad macluumaad dheeri ah uga ogaato App-ka.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Torbjørn Røe Isaksen ayaa sheegay in dad badan oo shaqooyinkoodii laga fariisiyay ama laga ceyriyay, ay lumiyeen xuquuqda qaadashada lacagta «Dagpenger»-ka, maadaama ay gaareen mudada ugu badan ee dowladu ay jideysay in qofku uu qaadan karo lacagtaas. Wuxuuna sheegay in xaalada cusub ee feyruska Coronan soo laba kacleeyay, ay qasab ka dhigeyso in dowladu ay badasho sharciyada qaarkood, si loo caawiyo dadka ay xaaladan cusub saameynta ku yeelatay.

Wasaaradda ayaa qoraalkeeda sii raacisay in xafiiska shaqada ee NAV uu dadka ay arintan khuseyso kusoo wargalin doono, ama wixii faah-faahin ah lagala socon karo boga NAV(Riix).

Xigasho/kilde: Personer som nylig har gått ut maksperioden på dagpenger kan få dagpenger igjen fra 1. februar.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments