onsdag, april 24, 2024

Baarlamaanka Norway oo looga hadlay kiiska nin Somaliland toogasho looga xukumay.

Xildhibaan Petter Eide oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Norway, ayaa maanta kalfadhi ay lahaayeen baarlamaanka Norway, su´aalo ku saabsan kiiska nin Soomaali-Norwegian ah oo maxkamad kutaalo Hargeysa ay Toogaso ku xukuntay, weydiiyay wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen ayaa xili sii horeysay kiiska ninkan kala hadashay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Halkan kasii akhri.

Petter Eide oo katirsan xisbiga SV ayaa marka hore sharaxay kiiska ninka heysta dhalashada Norway ee maxkamada Hargeysa ay ku xukuntay toogashada, kadib markii lagu helay danbi la xiriira dil la sheegay in loo adeegsatay sunta dadka ka ilmeysiisa. Wuxuuna sheegay in suntaas ay aheyd mid laga iibiyay dukaamada Norway.

Wasaaradu maxey u qabatay muwaadinkaas:

Xildhibaan Petter ayaa su´aasha uu weydiiyay wasiiradda arrimaha dibadda Norway, dood ka keenay daacadnimada ay wasaaradda arrimaha dibadda Norway ka aheyd wax u qabashada muwaadinkan heysta dhalashada Norway. Wuxuuna la barbardhigay kiiska nin Norwiiji cadaan ahaa oo horey dowlada Norway ay soo sii deyntiisa ku bixisay malaayiin dollar, kadib markii maxkamad kutaal Congo ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Qoyska ninka lagu xukumay toogashada ayaa horey dowlada Norway, gaar ahaan reysulwasaare Erna Solberg ka codsaday inay soo faragaliso kiiska aabahood, ayna ka caawiso sidii loogu soo celin lahaa gurigiisa oo Norway kuyaal. Halkan kasii akhri

Petter oo su´aashiisa qoraal ahaan ku gudbiyay, ayaa wasiiradda weydiiyay qorshaha cad ee dowlada Norway rabto inay kusoo sii deyso ninkaas, isaga oo sharaxaad ka dalbaday waxa ay wasaaraddu ilaa hada ka qabatay arintaas.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen ayaan wali kasoo jawaabin su´aalaha wasiirka ee ku saabsan kiiska ninka la xukumay.

Xigasho/kilde: Skriftlig spørsmål fra Petter Eide (SV) til utenriksministeren.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x