Dowlada oo 323 milyan u qoondeysay ajaaniibta

0
88
Wasiiradda waxbarashada, Guri Melby iyo reysulwasaaraha Foto: Ida Dahl Nilssen/SMK

Dowlada Norway ayaa maanta soo bandhigtay qorshe taageero dhaqaale oo ay dowladu rabto inay ku kabto qeybaha bulshada iyo shirkadaha uu saameynta dhaqaale ku yeeshay feyruska Corona. Waxeyna dowladu miiska saartay 16 bilyan oo kr oo loogu talagalay in lagu kabu dhaqaalaha wadanka, si aysan noloshu u istaagin.

323 oo ajaaniibta loo qoondeeyay:

323 milyan oo kamid ah 16-ka bilyan ee dowladu ay soo bandhigtay, ayaa si gaar ah loogu qoondeeyay ama calaamadiyay arrimaha khuseeyo dadka ajaaniibta ah.

Wasiiradda waxbarashada iyo isdhexgalka Guri Melby ayaa sheegtay in bulshada soo galootiga ah oo awalba ku dhibanaa suuqa shaqada, uu saameyn ka badan tan dadka kale ku yeelan karo feyruska Corona. Saameyntaas ay noqon mid waligeed socon karto, hadii aysan dowladu talaabo qaadin.

Waxyaabaha ay dowladu soo bandhigtay in dadka ajaaniibta loo qaban doono, ayaa waxaa kamid ah in la dheereeyo mudada uu socdo barnaamijka introduksjonsprogram-ka(intro), si qofkii uu barnaamijkaas ka dhamaado xiligan adag ee hada lagu jiro, fursad loo siiyo inuu barnaamijka intro-ga sii wato afar(4) bilood oo dheeri ah. Waa hadii ay jirto baahi arrintaas loo qabo.

Waxyaabaha kale ee dowladu ay sheegtay inay xoojineyso ayaa waxaa kamid ah barashada luuqada Norwiijiga ee digital(fogaan arag) ahaanta lagu barto, si dadku ay fursad ugu helaan inay luuqada bartaan, iyaga oo guryahooda joogo.

Sidoo kale waxaa la kordhiyay lacagta ay dowladu u qoondeysay ururada ajaaniibta ah ee ka qeybqaata waxyigalinta bulshada ee kahortaga Coronavirus.

Xigasho/kilde: Nye økonomiske tiltak i møte med pandemien.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments