Boqorka iyo boqorada Norway oo la talaalay.

0
171
Boqorka iyo boqorada Norway. Sawirka: Oskar Aanmoen/Royal Central

Boqorka iyo boqorada dalkan Norway, Boqor Harald iyo boqorad Sonja ayaa shaley qaatay irbada talaalkii ugu horeeyay ee xanuunka Coronavirus ah. Boqorka iyo boqorada oo da´ahaan wada jiro 83 sano, ayaa kamid ah dadka u nuglaan karo inuu saameyn xoogan ku yeesho xanuunka Coronavirus, sida lagu sheegay war kasoo baxay aqalka boqortooyada Norway.

Boqorka iyo boqorada ayaa lagu wadaa in sadex isbuuc kadib ay qaataan irbada labaad ee xanuunka Coronavirus.

Sidoo waxaa talaalka qaatay boqor Harald walaashiis, prinsesse Astrid oo iyaduna da´ah, jirtana 88 sano.

Boqorka Norway ayaa horey looga baaray xanuunka Corona, waxaana jirtay xili la galiyay karantiil, iyada oo laga shakisnaa inuu ku dhacay xanuunka Coronavirus.

Xigasho/kilde: Kong Harald og dronning Sonja har tatt coronavaksinen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments