10-Ka baasaboor ee ugu awooda badan caalamka: Norway iyo Sweden xagee kaga jiraan.

0
522
FOTO: G.I

Bogga wax ka qora arrimaha socdaalka caalamka ee Henley Passport Index oo ay aqoonsan tahay hay’adda maamusha duulimaadyada caalamka ee IATA, ayaa sanad walba soo saarta liis muujinaya baasaboorrada adduunka iyo sida ay ugu kala horreeyaan fududaanta safarrada.

Baasaboorka waddanka Japan ayaa mar kale sanadkan 2021-ka kaalinta koowaad(1) ka galay liiska baasaboorrada ugu awooda badan caalamka, marka la eego inta waddan ee lagu aadi karo dal ku gal la’aanta ama dal ku galka lagu qaato garoomada diyaaradaha ee dalalka loo safro.

Riix sawirka

Dadka heysta baasaboorka dalka Japan ayaa dal ku gal la’aan ku tegi kara 191 dal oo caalamka, waxaana ay dal ku galka ka heli karaan meesha ugu horeyso ee ay ka galaan dalalkaas.

Baasaboorka dalka yar ee Singapore ayaa kujiro booska labaad, waxeyna muwaadiniinta dalkaas dal ku gal la’aan tagi karaan ilaa 190 waddan oo caalamka ka tirsan.

Baasaboorka dalka Norway ayaa kujira kaalinta 7-aad ee baasaboorada ugu awooda badan caalamka. Wuxuuna booskaas la qeybsanayaa dalal dhowr ah oo uu kamid yahay Mareykanka.

Baasaboorka Denmark ayaa kujira booska shanaad(5), halka kan Sweden uu kujiro booska lixaad(5) ee baasaboorka ugu awooda badan caalamka.

Liiska 10 -ka baasaboor ee ugu awooda badan caalamka:

  1. Japan (191)
  2. Singapore (190)
  3. Kuuriyada Koonfureed, Jamalka (189)
  4. Talyaaniga, Finland, Spain, Luxembourg (188)
  5. Denmark, Austria (187)
  6. Sweden, Faransiika, Portugal, Burtiqiis, Netherlands, Ireland, (186)
  7. Switzerland, Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Belgium, New Zealand (185)
  8. Giriigga, Malta, Czech Republic, Australia (184)
  9. Canada (183)
  10. Hungary (182).

Baasaboorka Soomaaliga ayaa isla sidii sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii noqday midka shanaad ee ugu liita caalamka, waxaana liiska uga hooseeya afar baasaboor oo kala ah: Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Kaalinta 102-aad ayuu ku jiraa baasaboor Soomaaliga, waxaana dal ku gal la’aan lagu tagi karaa ilaa 33 waddan oo ku yaalla caalamka.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments