Narvik: Siiriyaan ku geeriyooday Markab uu sharci daro kusoo fuulay.

0
113

Booliska dalkan Norway ayaa maalintii sabtidii lasoo dhaafay shaaciyay in nin uu ka dhacay markab uu saarnaa, kaas oo kusoo socday magaalada Narvik ee dalkan Norway. Markabkan oo ah nooca alaabaha qaada ayaa kasoo shiraacday xeebaha dalka Spain, meel u dhow dalka Morocco.

Shaqaalaha markabka ayaa kowdii(1) bishan January sheegay inay markabka ku arkeen nin si sharci daro ah oo aan la ogeyn kusoo fuulay markabka. Wuxuuna sagaal maalmood kadib, markii uu markabku usoo dhawaaday xeebta magaalada Narvik ka booday markabkii uu saarnaa, sida ay sheegeen shaqaalaha markabka.

Riix sawirka

Booliska iyo hey´addaha gargaarka deg-dega ah ayaa baaritaan xoogan, oo looga dan lahaa in ninkaas laga soo badbaadiyo badda ku sameeyaya aaga badda ee la sheegay inuu markabka uga booday. Ilaa hadana laguma guuleysan helitaanka raqda ama ruuxda ninkan la sheegay inuu ka booday markabkii uu kusoo dhuuntay.

Laamaha amniga ayaa hada ka shaqeynayo inay wareysiyo la yeeshaan shaqaalaha markabka, kuwaas oo sheegay in ninka geeriyooday uu u sheegay inuu ahaa nin asal ahaan kasoo jeedo dalka Siiriya. Waxeyna sheegeen inay wali socoto baaritaanka lagu sameynayo kiiskan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa dhankeeda xiriiro la sameysay dalka Siiriya oo la aaminsanyahay in ninka geeriyooday uu kasoo jeedo. Si loo ogaado inay jiraan qoys uu ka tagay.

Xigasho/kilde: Politiet: – Mannen som havnet på havet i Ofotfjorden var syrisk blindpassasjer.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments