Nooc cusub oo Coronavirus ah oo UK lagu arkay: Cabsi xoogan oo laga qabo.

0
79
Borris Johnson: Reysulwasaaraha UK Foto: BBC-SOMALI

Dalka Ingiriiska waxaa maalmihii ugu danbeeyay aad ugu faafay nooc cusub oo xanuunka Corona ah, kaas faafitaankiisu uu 70% ka badanyahay noocii horey loo yaqaanay ee xanuunka Corona. Waxaana gudaha Ingiriiska xanuunka lagu arkay ugu yaraan 60 meelood oo kala duwan.

Reysulwasaaraha Ingiriiska Boris Johnson oo shaley shir jaraa´id qabtay, ayaa sheegay in dowladu Ingiriisku ay soo rogi doonto talaabooyin ad-adag oo looga hortagayo faafitaanka nooca cusub xanuunka Corona ah.

Reysulwasaaraha Ingiriiska ayaa dhanka kale sheegay in warbixinta laga siiyay nooca cusub ee xanuunku ay tahay, in nooca cusub ee Corona uusan ka halis badneyn noocii hore, balse uu ka faafitaan iyo fidis badanyahay. Wuxuuna sheegay in nooca cusub uu 70% ka faafitaan badanyahay noocii horey loo yaqaanay.

Hey´addaha caafimaadka dalalka kale ee Yurub ayaa muujiyay walaac iyo cabsi xoogan oo ay ka qabaan in xanuunkaas uu soo gaaro dalalka Yurub ee hadaba la daalaa dhacaya xakameynta noocii hore ee xanuunka.

Xigasho/kilde: Ny koronavariant sprer seg hurtig i Storbritannia – innfører nytt tiltaksnivå.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments