Deg-deg: Wadamo badan oo cabsi darteed xuduudkooda ka xirtay UK.

0
134
Foto: PA

Dalka Ingiriiska waxaa sii badanayo tirada dadka laga helay nooc cusub oo xanuunka Coronavirus ah, kaas oo faafitaankiisu uu 70% ka badanyahay noocii horey loo yaqaanay. Ugu yaraan 70 deegaan oo dalka Ingiriiska katirsan, waxaa laga helay nooca cusub ee xanuunka. Halkan kasii akhri.

Waxaana sidoo kale dalalka EU-da qaarkood, gaar ahaan Holland iyo Denmark laga helay kiisas cusub oo ah nooca cusub ee xanuunka Corona ah.

Riix sawirka

Dalal EU-da oo Xuduudka xirtay:

Qaar kamid ah dallalka EU-da ayaa maanta soo saaray go´aamo deg-deg ah, kuwaas oo dalalkooda looga mamnuucayo duulimaadyada ka imaada dalka UK.

Dalaka Belgiumka, Holland iyo Talyaaniga ayaa ilaa hada mamnuucay duulimaadyada diyaaradaha dalka UK. Iyaga oo sidoo kale diiday inay dalalkooda soo galaan muwaadiniinta u dhalatay UK ama dadka kale ee dalkaas ku sugnaa maalmihii ugu danbeeyay.

Norway iyo dalalka kale ee Yurub ayaa iyagana dhankooda ka fakaraya talaabooyin adag oo lagu soo roggo duulimaadyada ka imaada dalka UK.

Xigasho/kilde: EU-land stenger grensene for reisende fra Storbritannia.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments