Noman Mubashir: Mawjada cusub ee soomaalida Norway.

0
159
Foto: Skjermdump/vg

Wariyaha iyo barnaamij daadihiyaha caanka ah ee Noman Mubashir ayaa shaley wargeyska weyn ee VG kusoo daabacay maqaal uu ugu magac daray Mawjada Soomaalida, isaga oo kaga hadlayo sida isbadalka xawliga ah ee dhanka wanaaga ah uu ugu socdo bulshada soomaalida ah ee kunool Norway.

Noman oo asal ahaan Pakistani ah ayaa tusaalooyin usoo qaatay dhalinyaro soomaali ah oo sanadkii tagay siyaabo kala duwan uga soo dhex muuqday bulshada Norway, gaareyna guulo kala duwan oo noloshooda la xiriirta. Waxaana kamid ah Jonis(Maadeeye), Marian(Siyaasi), Rawdah(Modell) iyo Sumaya (Gabyaa & Qoraa).

Wariyahan oo caan ku ah inuu yahay ajnabigii ugu horeeyay ee caan ah ee qirta inuu yahay «Gay» ayaa maqaalkiisa si qirasho leh oo qurux badan ugu amaanaya dhalinyaradaas soomaalida ee horumarada kala duwan sameeyay, isaga oo sheegay inay bilaabo u yihiin mawjad cusub ee horumar ah oo soomaalida Norway ay sameyn doonto.

Halkan ka akhri maqaalkiisa oo VG lagu daabacay.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments