Norway: Diyaar ayaan u nahay inaan Sweden caawino, hadii..

0
132

Dalka Sweden waxaa kasoo yeereyso qeylo-dhaan aad u tiro badan oo ku saabsan in tirada dadka xanuunka Coronavirus u dhimanayo ama isbitaalada loo dhigayo ay aad u faro bateen, isbuucyadii lasoo dhaafay. Sweden ayaa hada mar kale ah wadanka ay dadka ugu badan xanuunka qaadanayaan dalalka Nordica.

Korarka tirada dadka isbitaalada loo seexinayo xanuunka Corona, ayaa sababay in awoodda hey´addaha caafimaadka dalkaas ay aad isku dhinto, ayna ku dhawaato inay gacanta ka baxdo. Waxaana jirto cabsi ah inay Sweden ka dhacdo dhibaato caafimaad, sidii horey uga dhacday dalalka Spain iyo Talyaaniga.

Bjørn Guldvog(sawirka kore) oo madaxa hey´adda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee dalkan Norway ayaa sheegay in dowlada Norway ay diyaar u tahay inay hey´adda dhigooda ah ee dalka Sweden, hadii ay gacan soo weydiistaan. Wuxuuna sheegay in saameynta xanuunka uusan Sweden ku ekaan doonin hadii aan wax laga qaban, ayna muhiim tahay in la is kaashado.

Xigasho/kilde: Rekker ut hånda til Sverige.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments