Mustafa: 12 sano kadib, ayaa danbi ay hooyadiis gashay loo tarxiilayaa.

0
203
Mustafa Hassan Foto: Mustafamusic.no

Warbaahinta dalka Norway iyo baraha bulshada waxaa saacidhii lasoo dhaafay si aad ah looga hadalhayay sheekada Mustafa Hasan oo ah 18 sano reer Urdun ah. Mustafa ayaa dalkan Norway soo galay, isaga oo 6 sano jir ah, waxaana hada 12 sano kadib lagu wargaliyay in la tarxiili doono, iyada oo loo sababeynayo danbi ay waalidkiis galeen.

Dad kor u dhaafayo 20.000 oo qof ayaa baraha bulshada ka uruuriyay saxiixyo lagu dalbanayo in 18-jirkan aan laga tarxiilin Norway, lana siiyo fursad labaad. Waxaana axadii lasoo dhaafay baarlamaanka Norway hortiisa banaanbax ka dhigay kumanaan qof oo dalbanayo in Mustafa aan laga tarxiilin Norway.

2008: 6 sano jir.

Sheekada Mustafa Hassan ayaa ah mid aad usoo jiidatay boqolaal kun oo qof oo Norway kunool, kuwaas oo go´aanka ay dowladu ku rabto in lagu tarxiilo Mustafa ka muujiyay dareen xoogan.

Mustafa ayaa sanadkii 2008 dalkan Norway yimid isaga oo 6 sano jir ah, wuxuuna la socday hooyadiis iyo afar ilmood oo kale oo ay walaalo yihiin. Hooyadiis ayaa xiligaas sheegatay inay kasoo jeedo dalka Falastiin, laakiin sanado kadib waxaa lagu eedeeyay inay kasoo jeedo dalka Urdun, ayna sheegatay Falastiin si ay sharci uga hesho Norway.

UDI-da ayaa tarxiishay Mustafe hooyadiis iyo qeybo kamid ah walaalihiis, balse waxaa laga soo reebay Mustafa oo xiligaas ka yaraa da´da qaangaarka ee 18-ka sano. Maadaama uu hada buuxiyay 18 sano, uuna noqday qof qaangaar ah, waxaa lagu amray inuu dalka isaga baxo ugu danbeyn 7-da bisha Desember.

UNE ayaa kiiskiisa horey u fiirisay, waxaana la sheegay inuusan xaq u laheyn inuu sharci ka helo Norway, inkasta oo uu ku hadlo luuqada Norwiijiga oo kali ah, maadaama uu dalka imaaday isaga oo 6 sano jiro, uu kunoolaa 12 sano ilaa hada oo uu dhigto dugsi sare.

Dib ayaa loo dhigay Tarxiilka:

War shaley kasoo baxay laanta qoxootiga ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay taariikhdii loo qabtay in Mustafa uu dalka isaga baxo, taas oo awalkii hore aheyd 7-da Desember. Waxaana lagu sababeeyay in Mustafa uusan xiligan safri karin, maadaama uusan heysan baasaboor Urduni ah.

Kiiska wiilka 18-jirka ayaa kiciyay dareenka dadweynaha, waxaana baraha bulshada ka socdo olole loogu uruurinayo lacag uu ku qabsado qareen fiican oo kiiskiisa maxkamada sarre gaarsiiyo.

Xigasho/kilde: Utreisefristen for 18 år gamle Mustafa Hasan er utsatt til romjula.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments