Karantiil iyada oo kujirto ayay shaqada tagtay: Xabsi ayaa lagu xukumay.

0
84
Oslo Tingrett Foto: Wikipedia

Maxkamada magaalada Oslo ayaa haweenay dhalinyaro ah ku xukuntay 20 maalmood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inay tagtay, kana shaqeysay goobteeda shaqo, iyada oo lagu amray inay karantiil gasho, kadib safar dibadda ah.

Haweenaydan oo ku shaqeysa xoghaye caafimaad ahaan(Helsesekretær) ayaa kasoo noqotay booqasho ay ugu tagtay saaxiibkeed oo kunool dalka UK. Waxaana lagu amray inay gasho 10 maalmood oo karantiil ah, kahor inta ay banaanka usoo bixin.

Halkii ay ka gali laheyd karantiil, ayay toos u tagtay goobteeda shaqada oo ah xafiis dhakhtareed oo kuyaal magaalada Oslo. Waxeyna macaamil la sameysay bukaanka imaanayay xafiiska dhakhtarka, kuwaas oo ay kujireen waayeel u nugul xanuunka Corona, aadna uu saameyn ugu yeelan karay.

Arrintan ayaa dhacday sadex mar oo kala duwan, waxaana haweeneydan lagu amray inay karantiil gasho sadex mar oo ay safar kasoo noqotay. Sadexda marba ma aysan raacin amarka la siiyay ee shaqada ayay toos u aaday, iyada oo aan wargalin xafiiskeeda shaqada in karantiil la galiyay.

Maxkamada Oslo ayaa haweeneydan ku xukuntay 20 maalmood oo xabsi ah, inkasta oo xeer ilaalintu ay dalbatay in haweeneydan danbiga lagu helay lagu xukumo mudo xabsiyeed intaas ka badan.

Xigasho/kilde: Helsesekretær i Oslo dømt til ubetinget fengsel for karantenebrudd.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments