Sida ay go´aamiyeen golaha wasiiraddu, Wixii ka danbeeyo sanadka cusub, hadii lagu qabto adiga oo baabuur wado, isla markaana Mobil adeegsanayo, waxaad muteysan kartaa 5000 kr oo ganaax lacageed ah iyo leysinka oo sadex dhibcood lagaaga xariiqo qoro( Digniin leysin ka qaadista kahor).
Dówlada ayaa ganaaxa dadka lagu qabto iyaga oo mobilka adeegsanayo ka dhigtay sadex jibaar. Maanta hadii arrintaas lagugu qabto waxaa lagugu ganaaxi karaa 1700 kr, laakiin wixii ka danbeeyo sanadkan cusub wuxuu ganaaxaas noqon doonaa 5000 kr, waxaana la socdo sadex dhibcood oo leysinka lagaaga dhajiyo.
Dowlada ayaa sheegtay inay bateen dadka ay boolisku qabtaan iyaga oo adeegsanayo mobilka gacanta, xiliyada ay baabuurta wadaan. Arrintaas oo halis galin karto nolosha dadka iyo gaadiidleyda.
Xigashp/kilde: Nå tredobler regjeringen bøtene for å gjøre dette: − Det skal svi.