Ilmo ay barnevern-ku qoyskii dhalay ka wareejiyeen oo dhintay: Qoyskii loo dhiibay oo ay boolisku xireen

0
96

Booliska magaalada Trondheim ee dalkan Norway ayaa xabsiga dhigay nin iyo naag is qabo, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sabab u ahaayeen dhimashada ilmo sanad ka yar oo ku geeriyooday isbitaalka magaalada Trondheim.

Ilmaha yar ayaa ahaa ilmo ay barnevernku masuuliyada xanaanadiisa ka qaadeen waalidkii dhalay ee rasmiga ahaa, waxeyna ku wareejiyeen qoyska ninka iyo naagta ay boolisku hada xabsiga dhigeen. Kuna eedeeyeen inay dilka ilmaha ka danbeeyeen.

Waalidkii ilmaha dhalay ee laga wareejiyay ayaa sida uu qoray NRK galay xaalad addag oo ka dhalatay geerida ilmahoodii laga wareejiyay, waxeyna xiligan caawin ka helayaan hey´addaha caafimaadka degmada ay deganyihiin.

Booliska: Dhaawacyo gudaha ah

Booliska ayaa sheegay in ilmaha sanadka ka yar ee geeriyooday ay jirkiisa ka muuqdeen nabaro xoogan, uuna qabay dhaawacyo gudaha ah, markii isbitaalka la keenayay. Kuwaas oo ugu danbeyn sababay inuu isbitaalka ku geeriyoodo.

Booliska ayaa afar isbuuc oo kumeel gaar ah xabsiga dhigay ninka iyo naagta is qaba ee lagu eedeeyay dilka ilmaha, waxeyna sheegeen inay wali wadaan baaritaanka dhacdadan. Iyaga oo diiday inay warbaahinta siiyaan faah-faahin dheeri ah oo arrintan la xiriirta.

Xafiiska gudoomiyaha gobolka Trøndelag ayaa sheegay inuu furay gal dacwadeed arrinta la xiriirta kiiskan, Waxeyna baaritaan ku furi doonaan dhamaan hey´addaha kiiska ku shaqul lahaa, si loo ogaado waxa dhacay.

Xigasho/kilde: Barn døde etter skader i Trøndelag – var omplassert av barnevernet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments